Fashilka Wasaarada Waxbarashada Maxaa Sabab u ahaa, Maxaasa la Gudboon Wasiir Goodax?

Markii Kooxihii Jabhadaha ahaa ay Xukunka ka Tuureen Maxamed Siyaad Barre 1991 Waxaa Bilowgiiba Hanaqaaday Goobo Waxbarasho oo ay Fureen Aqoonyahano Somaliyeed oo goobo kala duwan oo ka tirsan Dalka ay fureen ,waxa xarumahaas ka aflaxay arday farabadan oo magac , mansab iyo maamuusba ku dhex yeeshay bulshada .

Dowladahii dalka isaga danbeeyay waa garawsanaayeen doorka hormarinta waxbarashada ay ka qaateen dalladihii dhismay iyo goobihii waxbarasho ee burburkii hanaqaaday.

Dadaalka Dowladnimo iyo Hormarinta Waxbarashada

Dowladii KMG ee uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmed ayaa wasiirka waxbarashada u magacowday Alle ha unaxariistee Ibraahim Xasan Cadow oo ahaa shaqsi ka tirsanaa bahda waxbarashada ,kana mid ahaa aasaasayaashii qaar ka mid ah Xarumihii waxbarasho ee hana qaaday burburkii ka dib waxa uu dadaal u galay khubaro , iyo xeel dheerayaal uu aaminsanaa in wasaaradiisu magaceeda kor u qaadi karaan ayuu soo xushay , qabiil , koox midna uma soo xulan sida ay ii xaqiijeen ragii la shaqeeyay wasiir cadow , waxaana dad badan oo aqoon ulahaa ay sheegeen in uu ahaa wasiirka sare u qaaday waxbarashada dalka waxaay hergaliyeen isaga iyo kooxdii la shaqeyneysay in loo tartamo deeqaha waxbarashada iyo in dalal kala duwan deeqo waxbarasho ay siiyaan Soomaaliya kana faa’iideystaan deeqahaas arday ku haboon oo aqoon ahaan tartan furan ku guuleestay,

Sidoo kale Khubarada Siyaasadda iyo Waxbarashada sida dhow ula socday waxay xusaan in wasiiradii soo maray Wasaaradaas ay ka tilmaaneed Maryan Qaasim oo lagu xusuusto Barnaamijkii aada Dugsiyada , waxaa xusid mudan in Maryan nasiib ay u yeelatay in ay la shaqeyso Aqoonyahano hore Cabdullahi Axmed Cadow u soo xulay oo sumcad iyo qadarin bulshada ku dhex lahaa oo ku garabsiiyay howshaas taas ayaana keentay in ay ka mid noqoto wasiirada lagu tilmaamo kuba bushadooda u adeegay.

Maxaa ka dhacay wasaaradda ka hor inta aan Fashilkeedu soo ifbixin.

Nidaamka awood qeybsiga ee somaliya oo ah 4.5 ayaa saameeyay howlihii baaxadda lahaa ee wasaaraddu bulshada u heysay wasiiradii soomaray gaar ahaan Wasiiradii uu soo magacaabay Raysal Wasaare kheyre waxay badaleen Masuuliyiintii Xilalka hayay ee wasaaradda qaarkood waxaa xilalkii la wareegay rag ay islaayeen siyaasad ahaan iyo shaqo ahaanba waad wada jaanqaadi kartaan iyagoo raacaya habraaca 4.5.

Waxaa kale oo Sanadkan la siiyay Daabacaadda imtaxaanaadka shirkad gaar ah taasna tuhun ayay keetay

Maxaa Xigay?Ā 

Qof walba waa garan karaa Waxa dhici kara mar hadii howsha oo gacangaliyo dad aan ehel u eheen waxa dhici kara ,saadaashii ay bixiyeen khubarada waxbarashada ayaa eheed in aan la filan karin in howsha ay sii ahaato sidii hore , maadaama dhiig cusub oo qaarkood khibrad iyo waayo aragnimo aan u leheen howlaha waxbarashada shaqadii ay la wareegeen ,ragii horana laga saaray xeyndaabka ,

Wixii filashu eheed waxaa dheceen oo fadeexad ayay wasaaradii lugaha la gashay oo imtaxaanaadkii ayaa suuqyada lagu kala iibsaday ka dib Sadexno oo si hufan qanacsanaan ay ku jirto Dowladda Federaalka ay u qaaday.

Facebookga iyo Falcelintii WasaaraddaĀ 

Tan iyo markii Xukunka uu qabtay Madaxweyne Farmaajo Dowladiisu ay si dhaw ula socotay dhaqdhaqaayada Baraha Bulshada , waxaana dhacday in go’aano Dowladdu ay ku qaadato arimo lagu soo qoray baraha bulshada , dadkana ay wada falan-qeeyeen .

Arimaha Imtaxaanaadka Ee Sanadkan ayaa Dadka isticmaala baraha bushada waxay sheegayeen imtaxaankii shahaadiga 2018-2019 Ee DFS la helay suuqna waayo walow wasaaradda arintaas dhowr jeer ay ku timaantay been abuur iyo wax sal iyo raad leheen in kastoo markii uu dalka dib ugu soo laabtay wasiir Goodax uu imtaxaankii ku sheegay mid shaqsiyaad ay suuqa keeneen oo uu sheegay in mar kale dib loogu laaban doono.

Maxaa la gudboonaa Wasaaradda iyo Wasiir Goodax.

Iyadoo la raacayo habraaca imtaxaanaadka in baaritaano la sameeyo oo si dhab ah loo baaro warqadahan baraha bulshada lagu soo bandhigay

Wasaaraddu waxay go’aan kartaa goobtii laga bixiyay sababtoo ah Warqad walba waxaa ku qoran Roll Number gaar ah Goob walbana waxay leedahay Numbero gaar ah hadii si dhab ah loo baaro waxaa si cad loo ogaan karaa cidda ku lugta leh oo ka shaqeysay Fashilka iyo niyad jabinta Ubaxii dalka ,Hoosna u dhigtay kalsoonidii lagu qabay wasaaradda waxbarashada .

Go’aankii Wasiir Goodax

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee DFS waxa uu ahaa Go’aan naf hurnimo ah oo geesnimo Xambaarasan marka la eego xiliga iyo xaaladda dalka Walow dadka qaar ay ku sheegeen mid deg deg uu ka muuqday .

Goodax oo ah siyaasi aan ganban hadalkiisuna uu yahay mid cad ayaa dalka markii uu ku soo laabtay shaaciyay go’aankaas isagoo xusay in dib loogu laaban doono imtaxaanka ,baraha bulshadana la xeri doono inta imtaxaanka ku celiska ah uu socdo .

Maxaa ka dhashay Go’aankaas

Arday ka careysan Hadalkii Wasiirka oo Dibad baxyo Muqdisho ka dhigay, iyo qaar ka mid gobalada dalka sida jowhar iyo Baladweyn.

Ardayda dhibka ay ka banaanbaxayaan, waxaa ka daran kana xanuun badan arday maraya heerkii ugu dambeeyay waxbarashada dugsiga sare oo ku dhinta banaan baxa socday.
Ciidanku xabad ayay si aan joogsi lahayn u ridayaan, ardayduna waxa ay dhahayaan soo rid xabada!!!.

Maxaa la gudboon Wasiir Goodax.

Waxaa la gudboon in isbadal uu ku sameeyo hogaanka Wasaaradda iyo in uu ardayda kala hadlo warbaahinta sheegana in muhiimadu tahay imtaxaan cadaalad ah isla markaana uu ka Fogaado hadalada Xanafta leh oo ku sheegaayo in imtaxaankii la siyaasadeeyay si loo aamino ardaydana mar kale imtaxaanka ugu dhiiradaan.

W/Q Xasan Kaahiye

kaahiye2015@gmail.comĀ 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -