Xaalada Sudan oo faraha ka sii baxeysa iyo Booliska oo dilay dad rayid ah (Sawirro)

Ciidamada ammaanka Sudan ayaa toogasho ku dilay saddex qof oo mudaaharaadayay, waxayna ku fureen sunta dadka ka ilmeysiisa ee Suudaan Khamiistii iyadoo dad badan ay ku soo qul qulayeen caasimadda Khartoum iyo magaalooyin kale oo ay ka socdeen isu soo baxyo kale oo ka dhan ah militariga, sida ay u sheegeen goobjoogayaal caafimaad Reuters.

Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen howlgallada ka dhanka ah mudaaharaadyada tan iyo markii uu afgambiga dhacay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay hakad geliyay dadaalladii lagu doonayay in lagu sameeyo isbeddel dimoqraadi ah, sida ay sheegeen koox dhakhaatiir ah oo la safan dhaqdhaqaaqa dibadbaxa.

Dadka la dilay Khamiistii ayaa dhamaantood ahaa mudaaharaadayaal waxayna u dhinteen rasaas ay fureen ciidamada ammaanka intii ay socdeen isu soo baxyada magaalooyinka Omdurman iyo Bahri, oo wabiga Niil ka soo horjeeda Khartoum, sida ay sheegeen Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan.

Dibad-baxayaashu waxay isku dayeen mar kale inay gaaraan xarunta madaxtooyada ee caasimadda si ay u sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan militariga, kuwaas oo afgambiga sameeyay uu hakiyay hab awood qaybsi oo lagu wada xaajooday ka dib markii la afgambiyay Cumar Al-Bashiir 2019-kii.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta, kuwaasoo sabab uga dhigay afgambiga in uu ahaa “sixid” loo baahnaa si loo xasiliyo xilliga kala guurka. Waxay sheegeen in banaan bax nabadeed la ogol yahay, isla markaana lala xisaabtami doono cidii ka dambeysay khasaaraha.

“Maanta waxaa dhacay rabshado aan la rumaysan karin, xaaladda  Umdurman waxay noqotay mid aad u adag, saaxiibadeen way dhinteen, xaaladdan Alle kama farxin karo,” ayuu yiri, isagoo codsaday inaan la magacaabin, iyadoo dibad-baxayaal qaarkood la xiray maalmihii la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -