Maxay ka wada hadleen Madaxdii hore ee dalka & Wakiilka QM ee Somalia? (Sawirro)

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulanka James Swan iyo MXQ waxaa diiradda lagu saaray doorashada dalka, caqabadaha hor taagan iyo kaalinta Xisbiyada dalku ku leeyihiin sidi loo qaban lahaa doorasho aan waqtigeeda kadib dhicin oo geeddi socodkeeda raalli laga wada yahay sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madasha Xisbiyada Qaran.

“Waxaan kulan wada qaadaney wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey uqaabilsan arimaha Somalia Ambassador James Swan, Waxaana kawada hadalney sidii dalka uga dhici laheyd doorasho waqtigeeda lagu qabta oo geedi socodkeeduna loo wada siman yahay dhamaan saamileyda siyaasada” ayuu yiri Shiikh shariif oo war kooban ka soo saaray.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Madaxweyne hore Mudane Sh. Shariif Sheekh Ahmed, Guddoomiyaha Xisbiga UPD, Madaxweyne hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.

Madasha Xisbiyada qaran ayaa horey ugu eedeeyey madaxda DF iney ka caga jiidayaan doorasho xiligeeda la qabto, iyagoo xusay iney doonayaan muddo kororsi sharci daro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -