Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Taliye Odowaa oo gaaray degaan muhiim ah oo laga saaray Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka  ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin degaanka Xawaadley  ee duleedka degmada Balcad gobolka Sh/dhexe.

Xawaadley ayaa ka mid ah degaano ka tirsan Sh/dhexe oo maalmo ka hor ciidanka xoogga dalka kala wareegeen Al-shabaab oo muddo badan ka talineysay

Jen Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeerkiisa shaqo ee ku Tegay deegaanka xawaadlay ugu kuur galay xaalada degmadaas iyo qaabka ay ciidamadu uga howlgalaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidanka ku sugan deeganka Xawaadley ku booriyey difaaca shacabka soomaliyeed iyo sifeeynta kooxda Al-shabaab.

Degaanka Xawaadley ayaa ah mid istaraatiiji ah oo ay ku taallo buundo Al shabaab iskaga kala gudbi jireen gobolada dhexe iyo gobolada koofureed ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo balan-qaad muhiim ah u sameeyey shacabka degaanka Garasbaaley (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo tagay xarunta Interpol (Sawirro)

Cabdi Cade

Ma dhab baa in Abaanduulihii xilka laga qaaday Jen. Caanood uu ciidan la goostay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---