Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Dil iyo dhaawac loogu geestay dalka Koonfur Afrika

Kooxo burcad hubeesan ayaa xalay dil iyo dhaawac u geestay muwaadiniin Soomaaliyeed oo dukaan ku lahaa deegaanka lagu magacaabo Soweto oo kuyaala duleedka magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Sida aan wararka ku helnay burcada hubeesan ayaa dukaanka ku weeraray xalay fiidkii xili dhalinyaradan ay xirayeen goobtooda ganacsi, waxa ayna burcada rasaas ku fureen dhalinyarada dukaanka ku sugneed.

Weerarkan waxaa ku dhintay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Jimcaale Cali Dable, halka dhaawac uu kasoo gaaray  Axmed C/llaahi Cali oo xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo.

“Xilligii Dukaanka la xirayey ayey 3 Nin oo Hubaysan yimaadeen, Dukaanka fura ayey dhaheen Axmed oo ahaa yarkii xiraayey albaabka, markii uu isku dayey inuu ka cararana Madaxa ayey xabad uga dhufteen waana dhaawac culus oo Koomo ayuu ku jiraa, Markii ay gudaha usii galeena walaalkeen Cabdi oo gadaal joogay ayey rasaas ku fureen ALLAHA u Naxariistee isla goobta ayuuna ku nafwaayey” ayuu yiri Maxamed Yuusuf oo kamid ah Soomaalida kunool Soweto.

Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa sidii caadada aheyd tagay goobta dilka iyo dhaawac loogu geestay muwaadiniinta Soomaaliyeed, mana jiraan ilaa hada cid ay usoo xireen falkan booliiska.

Dalka Koonfur Afrika ayaa noqday goob si joogto ah loogu beegsado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsaday, waxaana sanadihii lasoo dhaafay dalkaasi lagu dilay kumanaan Soomaali ah oo u badnaa dhalinyaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -