Sargaal katirsan ilaalada Madaxweyne Farmaajo oo la xiray iyo Madaxtootada oo ka hadashay

Sargaal la sheegay in uu katirsan yahay ilaalada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay si fool xun u gacan qaaday Wariye ka howlgalada Idaacada Maamulka Gobolka Banaadir.

Wariyaha la garaacay ayaa doonayay in uu wax kasoo tabiyo munaasabada xuska 26-ka juun oo ka socotay Xarunta Dowlada Hoose, hasa ahaatee sargaalkan Koofi gaduuda katirsan ayaa Wariyaha u gacan qaaday iyadoona muuqaal laga qaaday baraha bulshada lagu baahiyay.

Sargaalka ku tacadiyay Wariyaha ayaa katirsanaa ciidanka ilaalada Madaxtooyada gaar ahaan Ururka 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana xariga sargaalkan amray Madaxtooyada Soomaaliya.

Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Cabdinuur Maxamed ayaa xaqiijiyay in la xiray sargaalka wariyaha jir dilka u geestay, waxa uuna xusay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono sargaalkaasi.

”Waxaan aad uga xunnahay falkii xalay uu Sarkaal kamid ah CXDS kula kacay suxufi ka tirsan bahdii warbaahinta ee tabinaysay Xuska 26ka Juun, keddib baaritaan ay Ururka 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ku sameeyeen dhacdadii xalay waxaa falkaas loo soo xiray askarigii kasoo muuqday muuqalladii lagu baahiyay baraha bulshada, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan shuruucda Ciidanka Xoogga Dalka,waxaan ku kalsoonnahay in wariyihii dhibka la gaarsiiyay uu helayo caddaalad, waxaana ka raalli galinaynaa shacabka falkii xalay ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose” Ayuu yiri Cabdinuur.

Baraha Bulshada ayaa si weyn looga hadal hayay muuqaalka sargaalkan katirsanaa Madaxtooyada Soomaaliya ee jirdilka u geestay Wariyaha ka howlgalayay Idaacada ku hadasha Afka maamulka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -