Qabsoomida Doorashada Soomaaliya waxaa haysta laba caqabadood oo kala daran

Siyaasaddu waa sida durdur biyo qulqulaya oo sida geed meel ma taagna, waxeyse leedahay wareegto isrogeysa oo doc u qaada siyaasiyiinta socodkeeda xawaaraha sare ku socda ka dhacsan. Waxaa la soo gaarey meertadii kala hufi lahayd oo kala haadin lahayd siyasiyiinta u tartamaya musharaxnimada madaxweynaha.

Caalamku wuxuu isweydiinayaa in raisul wasaaraha Soomaaliya uu ku dhiiran karo inuu u cadeeyo cida caqabada ku ah dhaqso u socod siinta qabsoomida doorashada, waxaana Rooble haysata laba daran mid dooro oo labaduba ay si cad caqabad ugu yihiin doorashada, sida kooxda Qatar iyo maamul goboleedyada.

Farmaajo wuxuu ku dhiiradey in Raisulwasaare Rooble uu ka saaro xaafiiska uu ku leeyahay madaxtooyada Ville Soomaaliya, wuxuuna taas u adeegsadey xooga Koofiyo Gaduuda, wuxuuna Farmaajo sidaas ugu dhiiradey hididiilo uu ka helay musharixiin sirdoona oo uu ku dhex yeeshay midowga musharixiinta oo Qatar u soo qoor dhiibtey.

Shacabka Soomaaliyeed waxey isweydiinayaan haddii ay ku cadaato Farmaajo isku dayga lagu dili lahaa Rooble ama xilka xoog looga qaadi lahaa oo dabcan ahaa Afgembi, ma ku dhiiran karaa Rooble inuu Farmaajo ka joojiyo musharaxnimada xilka madaxweynenimada uu ugu tartamayo mar labaad.

Caalamka shaqsiga ay ku soo cadaato inuu galo dembi culus oo dowladnimada Soomaaliyeed jiritaankeeda gelinaya qalqal isaga oo weliba ah xubin sare oo ka tirsan dowladda wuxuu ku eedeysan yahay inuu galay qiyaano qaran, mana suurtowdo in loo ogolaado inuu mar dambe isku soo taago tartanka xilalka dowladda.

Nin dowladdii uu ka tirsanaa qiyaanay oo isku dayey inuu dumiyo dowladda qaranka, isaga oo cadow u arkay dowladdii uu madaxda ka ahay, kadib marka ay ka dhamaatay mudo xileedkiisii, sidaasna uu ku waayey awoodii uu taloxumada ugu takrifalayey, ayaa hadda raba inuu madaxtooyada weli sii dhex joogo, isagoo weli raba inuu sii ahaado madaxweynaha dowladda uu damcay inuu afgembiyo.

Shirka madaxda golaha wadatashiga qaranka waxaa horyaala iney shacabka iyo caalamkaba u cadeeyaan cida ay garab ku siinayaan qabashada doorashada iyo cida ay ku cadeynayaan iney caqabad ku tahay qasoomida doorashada, iyo ugu dambeyn natiijada xukunka ay ku ridayaan Farmaajo oo ku eedeysan afgembi ah qiyaano qaran.

Waxaa farxad gelin doonta shacabka Soomaaliyeed iney maqlaan Qatar oo laga gudbiyo ashtako caalamiya, Fahad oo sharciga la horgeeyo, Farmaajo oo madaxtooyada Ville Soomaaliya laga saaro, lagana joojiyo ka qeyb galka tartanka madaweynenimada Soomaaliya, iyo ugu dambeyn kursigii aysan madaxda maamul goboleedyadu u qaban si hufan in loo soo xawili doono teendhada Xalane.

Prof. Saciid Ciise Maxamuud 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna 
Musharax xilka Madaxweynaha Somalia

- Advertisement -