Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dowlada Itoobiya oo ka carootay talaabo uu qaaday Maraykanka, kana dalbatay..

Itoobiya ayaa ka dalbatay Mareykanka inuu xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah la sameeyo halkii uu Kenya kala hadli lahaa arrimo khuseeya dalkooda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in xukuumadda Washington iyo waddamada kaleba ay soo dhaweynayaan inay wadashaqeyn dhinaca diblomaasiyadda la wadaagaan Itoobiya.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ku guuleysatay inay ilaaliso madaxbannaanida Itoobiya iyadoo dusha u ridaneysa cadaadiska uga imaanaya Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay islamarkaana dhiirrigelineysa dhaqdhaqaaq dalalka Afrika,” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa u muuqday inuu gudbinayay farriin ka turjumeysa sida ay Addis Ababa uga carootay tallaabada uu qaaday Mareykanka.

“Halkii ay arrimaha khuseeya Itoobiya u qaadi lahaayeen meel saddexaad, waxaan ku casuumeynaa Mareykanka iyo dalalka kaleba in ay si toos ah noola macaamilaan annaga,” ayuu yiri Mufti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/MZYtEwR0pN4

Related posts

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay qasab ku noqotay inay wada-hadallo la furaan Iran

Cabdi Cade

Nin Ciraaqi oo dilay haweeney Soomaali ah oo diiday iney xiriir jaceyl la sameyso

Caydiid Ali

Iran oo shaacisay iney weerartay 12 Markab oo Israel leedahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---