Xasan Shiikh oo beeniyey warar laga faafiyey xubnaha Midowga Musharaxiinta

Midowga Musharaxiinta Somalia ayaa beeniyey warar sheegayay inay kala qeybsan yihiin a Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh oo ka hadlayay kulan ay Midowga Musharixiinta sheegeen in  looga soo horjeeday Afgembigii fashilmay ee ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wararka sheegaya inay kala qeybsan yihiin aysan waxba ka jirin, isla markaana kuwa sheegay ay yihiin kuwii 5-tii sano ee la soo dhaafay lacagta lagu siinayay aflagaadeynta mucaaradka ee loo yaqaano CBB (Cayayaanka baraha bulshada)

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray in inta badan xubnaha Midowga Musharrixiinta ay jiraan dalka dibadiisa, ayna kulanka arrimo shaqo uga maqan yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya shiikh Shariif & RW hore Xasan Cali Kheyre.

“Inaan Afgembi diidno waan ka mideysan nahay, inaan kaligii talisnimo diidno waan ka mideysan nahay, in la qabto doorasho hufan waan ka mideysan nahay wax kala qeybsanaan ah ma jirto” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamed.

Dhinaca kale, Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dulqaad badan loo sameeyay Farmaajo kadib markii uu weeraro ku qaaday shaqsiyaad kala duwan, uuna abuuray ficilo xad gudub ah oo dadka ku qasbaya iney dagaalamaan

“Wax kasta oo qof bini’aadam ah uu ka caroodo uuna qori ku qaato ayuu sameeyay Farmaajo balse waa la isxakameeyey lagumana dayan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu intaas ku daray in sababta dadka ka hor istaagtay inay gacan qaad ku baddelaan ficilladaas ay tahay rajo ay ka qabaan dalka,  ayna niyadda ay ku hayaan in laga gudbi karo. “Farmaajo wax u haray markaan malaha oo aan ahayn inuu gacantiisa isku toogto oo uu dagaal isku qaado, Vilada ka soo baxo kuwa leh xitaa waa naxariisteen ayaan qabaa” ayuu yiri Xasan Sheekh

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -