Midowga Musharaxiinta oo ku kala qeybsamay shir caawa ka dhacay Muqdisho

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku kala qeybsamay shir caawa ka dhacay Mudqisho oo lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Rooble, loogana soo horjeedo isku daygii afgambi ee lagu doonayay in Xafiiskiisa lagula wareego.

Munaasabad caawa ka dhacday Hotel Afrik ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, C/raxmaan C/shakuur iyo C/kariin Guuleed.

Waxaa shirkaas ka maqnaa oo aan soo xaadirin Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale.

Lama oga sababta ay uga baaqsadeen shirka balse Shiikh Shariif iyo Khayre ayaa maalmo ka hor diiday in xiisada siyaasadeed ee ka taagan lagu maquuniyo awood, dagaalna lagu qaado Farmaajo si looga saaro Villa Somalia.

Xubnahan ayaa aaminsan in dagaal lagu qaado Villa Somalia uu yeelan karo waji kale, kaliyana loo baahan yahay hadda in la saxo khaladaadka ka jira doorashada inkastoo fekerkooda ay ka soo horjeedeen xubno kale oo qabay in Farmaajo aan la siin fursad kale, xoogna looga saaro Madaxtooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -