Waa sidee xaalada Magaalada Baladweyne ka dib dagaaadii xalay ka dhacay?

Faahfaahino ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay dagaal  xalay  ka dhacay Magaalada Beledweyne kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo kuwa uu hoggaaminayay  Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere.

Dagaalka ayaa yimid markii sida la sheegay ciidamada Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ay ku soo dhaceen Waddo u xirneyd Nuur Dheere oo ku taal Xaafada Kooshin ee Magaalada Beledweyne

Shaqaalaha Caafimaadka ayaa xaqiijiyey in dagaalka oo socday qiyaastii 3 saacadood ay naf waayeen shan qof oo isugu jirto dhincayada dagaalmayay iyo dad Shacab ah halka 12 kalana dhaawacyo ay ka soo gaareen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xaaladda ay saaka tahay mid degan, isla markaana Magaalada laga dareemayo saameynta uu ku reebay dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -