Taliye Odowaa oo digniin adag siiyey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jen. Odowaa Yuusuf Raage, ayaa uga digay ciidamada xoogga inay ku milmaan arrimaha siyaasadda iyo kooxo gaar ah.

Hadalkan ayuu Jen. Odowaa Yuusuf Raage u jeediyey saraakiil ciidan oo uu kula kulmay magaalada Muqdisho.

“Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed shaqadooda maaha kooxa-kooxaysi wiiqi karta midnimada iyo waajibaadkii ciidamada loo aas-aasay ayna u dhaarteen waa in arrintaas laga waantoobaa” ayuu yiri taliyaha.

Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku booriyay ciidamada Qaranka inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara in aragtida kalsoonida iyo awoodda ciidamada ay kala qaybsanto.

“Waa in aaan inaan ilaalino wixii shalay aan u dhaaranay waa in aan inaan ilaalino wada-jirka umaddeena waa in aan inaan ilaalino kalsoonida bulshadeennu nagu qabaan “ ayuu yiri Jeneraal Odowaa.

Hadalkan Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli uu taaganyahay khilaaf xooggan u dhaxeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaq ka waday ciidamo ka tirsan XDS oo la baxay badbaado qaran kuwaasoo sheegay iney dhinacyada ay is hayaan Farmaajo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -