Wafdi hordhac ah iyo ilaalada Madaxweyne Deni oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi hordhac ah iyo ilaalada Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Xubnaha wafdiga ayaa isugu jira Mas’uuliyiin, Saraakiisha Hab maamuuskiisa iyo ciidanka gaarka ah ee Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa la filayaa inuu maalinta beri ah soo gaaro magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb galaya shirka madasha wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay RW Rooble, kaasoo looga hadlay wax ka qabashada hufnaanta iyo cabashooyinka ka taagan doorashada golaha shacabka.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in sidoo kale uu isla beri Muqdisho iman doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isna shirka uu ku baaqay Rooble ka qeyb galaya.

Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle ayaa horey ugu sugnaa Muqdisho, waxayna arrintan ku soo beegantay xili khilaaf xargo goostay uu u dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo iyo RW Rooble

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -