Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo shan arrimood kala hadlay guddoonka sare ee maamulka G/Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guddoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir

Kulankan oo ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa intii uu socday  looga hadlay arrimo ay kamid yihiin horumarinta caasimadda, amniga, dib-u-dhiska, dhaqaalaha iyo taageerada Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa warbixino kala duwan ka dhageystay guddoomiye kuxigeennada maamulka gobolka Banaadir, xoghayaha guud ee gobolka iyo taliyaha ciidanka Ilaalinta deegaanka Xamar.

Ugu Dambeyn guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa faray guddoonka gobolka in la dardar-geliyo Shaqooyinka maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar, si bulshada caasimadda iyo kuwa gobolka Banaadir ay u helaan adeeg hufan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo si adag uga hadashay Duqeymo khasaaro geestay oo Jubbooyinka ka dhacay

Cabdi Cade

Ganacsade Cabduqaadir Jeemis oo la dilay iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay in fal aad u xun sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---