Isku day loogu kala dab qaadi lahaa Farmaajo iyo Rooble oo guuldareystay

Xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Somalia ayaa saacadiihii ugu dambeeyey kulamo kala gooni ah la qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo iyo RW Xilgaarsiinta Rooble si loo bilaabo xal u helida khilaafka ka dhex aloosan labada masuul

RW Maxamed Xusseen Rooble oo ay galabta u tageen xubnihii golaha wasiirada ee waan waanta waday ayaa u sheegay inay shaqooyinkooda qabsadaan,  intii ay ku mashquuli lahaayeen waan waan waqtigeedii dhaaftay.

Xubnahaan oo uu horkacayay RW kuxigeenka Mahdi Guuleed ayna ka mid ahaayeen Wasiirka arrimaha dibadda Cabdi Siciid iyo C/llaahi Carab wasiirka waxbarashada ayaa u sheegay RW Rooble Waxyaabihii ay madaxwayne Farmaajo kala soo kulmeen.

RW Rooble ayaa waydiiyay wasiirada sababta ay uga hadli waayeen falalkii ka dhacay xafiiskiisa oo ay hadda waan waan u galayaan.

Wasiirada qaar ayaa laga soo xigtay iney sheegeen in madaxwayne Farmaajo uu aqbalay waan waan laga dhex sameeyo labadooda, balse dhanka RW Rooble ay ka cuslaatay, taasoo soo afjartay hankii ay wasiiradu ka lahaayeen u kala dabqaadida labada dhinac.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo galabta soo gaaray Muqdisho ayaa la filayaa iney saacadaha soo socda bilaabaan isku day kale oo labada nin loogu kala dab qaadayo kaasoo rajada laga qabo inuu guuleysto ay aad u yar tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -