(Akhriso) Yaasiin farey oo ka soo jawaabay dalabkii ku saabsanaa xaalada Mukhtaar Roobow

Agaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Yaasiin farey ayaa ka jawaabay warbixiintii uu ka dalbaday Wasiirka Amniga DF ee ku saabsaneyd xaalada Mukhtaar Roobow.

Yaasiin Farey ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xaalada caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad.

“Waa Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macalimiintiisa” ayuu Yaasiin Farey ku yiri qoraalkiisa

“Waxaa bil walba Mukhtaar Roobow NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha isa soo dhiibaha loo dejiyay” ayaa lagu yiri qoraalka oo u qornaa sidan hoose:-

- Advertisement -