Farmaajo oo dalka ku soo laabtay ka dib safaradii Addis Ababa & Nairobi

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro uu ku tagay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi.

Wadahadalladii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nayroobi halkaas oo maanta ay ku kulmeen Madaxwaynaha Kenya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya, iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal, lana soo celiyo safiiradii labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -