Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe iyo wafdi uu horkacayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Internationa Airport kusoo dhoweeyay Wasiirada Gaashaandhigga Amniga Wasiir Ku Xigeenka Warfaafin Xubnaha labada gole ee Dowladda iyo Masuuliyiin kale.

Waxaa ka sii horeeyey wafdi uu horkacayey Madaxweynayaha Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo iyana yimid Muqdisho.

Labada hogaamiye ayaa la filayaa iney dhexdhexaadin ka galaan khilaafka adag ee soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo raisul Wasaaraha oo gaaray meel halis ah oo aan rajo badan laga qabin in la xaliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ukranie oo loogu deeqay hub casri ah oo qiimihiisu gaadhayo illaa $1 Bilyan

Cabdi Cade

Dowladda Somalia oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Muqdisho Stadium & Farmaajo oo booqday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Diyaaradii ay la socdeen xulka Sacuudiga oo Dab qabasaday xili ay hawada ku jirtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---