Ukranie oo loogu deeqay hub casri ah oo qiimihiisu gaadhayo illaa $1 Bilyan

Dowladda Ukraine ayaa wali baadi goob ugu jirta hub casri ah ay isaga difaacdo duullaanka ciidamada Ruushka, waxaana Ukraine hadda sugeysaa hub casri ah oo ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto Ruushka.

War kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegtay inay dalka Ukraine ugu deeqi doonto, hubkii ugu badnaa oo si toos ah loogu dirayo, waxaana hubkan la sheegay in nuucyo kala duwan oo casri ah ka kooban yahay.

Hubka iyo saanadda kale ee Militari ee loo dirayo dalka Ukraine ayaa ku kacaya illaa $1 Bilyan oo dollar, waxaana hubkaasi isugu jiraa, gantaallo, rasaas iyo saanad kale, kuwaas oo laga soo ururiyey kaydka wasaaradda difaaca Maraykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in hubkan ay ugu deeqday Ukraine uu wax ka tari doono awoodda milatariga Ukranie si ay isaga difaacaan duullaanka gardada ay ku tilmaameen uu Ruushka kusoo qaaday Ukraine.

Hubkan Ukriane loogu deeqay ayaa la sheegay haddii uu gaaro inay awood u yeelan doonto inay qaabayso habka dagaalku u socdo, isla markaana ay yeelato awood ay saamayn ugu yeelan karto guusha ay gaarayso furimaha dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -