Nin aad ugu dhaw Axmed Madoobe oo goordhaw loo doortay Xildhibaan

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa saakay ka socota doorashada Xildhibaanada golaha shacabka, waxaana la filayaa in maanta magaaladaasi lagu doorto ilaa lix Xildhibaan.

Kursiga sumadiisu tahay HOP#203  ayaa noqday kursigii ugu horeeyay oo katirsan Aqalka hoose oo doorashadiisu ka bilaabatay Kismaayo, waxaana kursigaasi ku tartamay labo musharax oo kala ahaa Hamse Cabdi Barre iyo Axmed Maxamed Maxamuud.

Doorashada kursigan waxaa ugu dambeyn ku guuleestay Musharax Xildhibaan Hamse Cabdi Barre oo helay 69 cod, halka Axmed Maxamed Maxamuud uu helay 17 cod, waxaa hallaabay 15 cod.

Xildhibaankan goordhaw lagu doortay magaalada Kismaayo ayaa ah nin aad ugu dhaw Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa uuna Xildhibaankan la doortay horey u ahaa Guddoomiyihii Guddiga Madaxa bannaan ee doorashada iyo xuduudaha Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -