Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga oo Yaasiin Farey ka dalbaday Warbixin la xiriirta Xariga Abuu Mansuur

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu u diray Kusimaha Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Yaasiin Farey kaga dalbaday in uu usoo gudbiyo warbixin la xariirta xarigga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Wasiirka ayaa sheegay in ehelada Mukhtaar Roobow iyo wakiilada matala ay si joogto uga cabanayaan in aan laga warheyn xaalada caafimaadka iyo mida nololeed uu ku sugan yahay Abuu Mansuur, iyagoona dalbaday in uu cadaalad helo.

C/llaahi Maxamed Nuur, ayaana u qabtay ku simaha taliyaha Hay’adda NISA in 48-saacadood kusoo gudbiyo warbixin dhameestiran oo la xariirta xaalada Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Ciidamada Itoobiya ayaa magaalada Baydhabo kasoo xiray Sheekh Mukhtaar Roobow bishii December ee sanadkii 2019-kii, waxaana Abuu Mansuur markaas u sharaxnaa xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Abuu Mansuur ayaana mudo labo sano ah ku xiran xabsi ay maamusho Hay’adad Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka, mana jirto ilaa hada wax maxkamad ah oo lasoo taagay Abuu Mansuur oo dowlada isku soo dhiibay hesjiisna la galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=8UAImsqir0M

Related posts

Axmed Madoobe oo goordhaw si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo goordhaw soo gaaray Muqdisho si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax ka dhacay magaalo kutaalla dalka Sweden iyo Faah faahino kasoo baxaya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---