Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo ay wehliyaan Mahdi Guuleed iyo Odawaa oo lug ku tagay Xafiiskiisa (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu wehliyo kuxigeenkiisa Mahdi Guuleed ayaa goordhaw lug ku tagay xagiiska Ra’isul Wasaaraha oo saakay la wareegeen ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo.

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo sameeyay dedaalo nabadeed ayaa ku guuleestay in Ra’isul Wasaare Rooble oo aysan la socon ciidamo hubeesan in ay galaan xafiiska .

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday ayaa muujinayay Ra’isul Wasaare Rooble ay dhinac socdaan kuxigeenkiiisa iyo taliyaha ciidanka Xooga oo sii galaya xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyaga oo dhinac socdaan ciidamo aan hubeesneen.

Arintan ayaa timid kadib markii taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raagge u tagay lana kulmay Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxweyne Farmaajo isagoona ku baaqay in laga baaqsado in madaxtooyada dhaxdeeda xabad ka dhacdo.

Waxii warar ah ee arintan kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Indha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/7kMlGcCYvzU

 

Related posts

Agaasimihii Madaxtooyada Galmudug oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Shaki iyo walaac wali ka taagan xarunta maamulka gobalka Banaadir iyo magaalada dhuusamareeb oo laba qayb kala Noqotay !!

admin

Tima jare xabsi u galay wiil yar uu tinta si xun uga xiiray !!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---