Guddoomiye degmo oo ku geeriyooday qarax lala beegsaday gaarigiisa

Guddoomiyihii degaanka Raas-Kambooni ee gobolka J/hoose ayaa la soo sheegayaa inuu ku geeriyooday qarax miino oo lala beegsaday gaadiid uu la socday.

Qaraxa oo ka dhacay isla degaanka ayaa la sheegay inuu haleelay gaariga uu saarnaa guddoomiyaha degaankaasi Raas-Kambooni u qaabilsanaa maamulka Jubbaland Cabdullaahi Diiriye.

Wararku waxay sheegayaan in guddoomiyuhu uu u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray qaraxaasi miino, isagoo ku dhawaad muddo sagaal sano ah maamulayay deegaanka Raas-Kambooni oo ku yaalla koonfurta fog ee gobolka Jubada hoose, kaabigana ku haya xadka dhinaca badda ee Somalia iyo Kenya.

Al-shabaab ayaa sheegatay iney ka dambeysay weerarka lagu dilay Guddoomiyihii degaanka Raas-Kambooni, waxayna intaas ku dartay in sidoo kale ay qaraxaas ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidamada Kenya, balse ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya arrintaas.

Maamulka Jubbaland ayaan illaa hadda war ka soo saarin qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii u qaabilsanaa degaanka Raas-Kambooni ee gobolka Jubbada hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -