Meydka Sheekh Maxamed Xasan oo la helay iyo Booliiska oo baaritaano bilaabay

Allah ha u naxaristee waxaa xalay meel cidlo ah laga helay meydka Sheekh Maxamed Xasan oo kamid ahaa culimada sida weyn looga yaqaan dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Columbus .

Sheekha ayaa la sheegay in warkiisa la waayay mudo labo maalin ah looguna jiray baadi goob ,hasa ahaatee meydka Sheekha oo madaxa xabad uga taal ayaa lagu dhax arkay gaarigiisa oo yaala goob cidlo ah.

Ciidamada booliiska magaalada Columbus ayaa soo qaaday meydka Sheekh kuwaa oo bilaabay baaritaan ku aadan cida dilkiisa ka dambeesay, mana jiraan ilaa hada cid loo soo qabtay dilka Sheekha loo geestay.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa degan magaalada Columbus ayaa si weyn uga naxay dilka loo geestay Sheekh Maxamed Xasan oo Imaam ka ahaa Masjika Abuu-hureyra ee magaalada Columbus .

Dalka Mareykanka ayaa dilal qorsheesan iyo kuwa burcadnimo ku saleesan loogu geestaa dadka Soomaaliyeed, waxaana dilalka qaar ee dalkaasi ka dhaca geesta dhalinyaro Soomaaliyeed oo isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -