Allbanaadir.com
NEWS

Terminalka Movcon ee garoonka Aadan Cadde oo la xiray kadib amar soo baxay

Maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa xiray Terminalka Movcon oo ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey, ciidamada AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka ee xaruntoodu tahay Xalane.

Maareeye kuxigeenka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay ilaa amar dambe in la xiray Terminalka Movcon, waxa uuna cadeeyay in terminaalkan loo xiray amar kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Maamulka garoonka iyo Xukuumada wali ma shaacin sababta loo xiray Terminalka Movcon ee garoonka Aadan Cadde, waxaana la amray duulimaadyada imaanaya iyo kuwa baxaya in ay hada kadib isticmaalaan Terminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo mar kale weerar ka geesatay Lamu iyo Dowlada Kenya oo Bandow soo rogtay

Cabdi Cade

Kenya oo ka hadashay diyaaradii ku bur burtay Bardaale codsina u dirtay dowlada Somalia

Cabdi Cade

Mashruuc lagu Ballaarinayo Garoonka Aadan Cadde oo socda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---