Jubbalanad oo shaacisay magacyada Odayaasha soo xulaya ergada dooraneysa lix kursi

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa shaaciyay magacyada odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa lix kamid ah kuraasta golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka.
Jubbaland ayaana noqoneysa dowlad goboleedkii ugu horeeyay oo si toos ah u mara habraaca doorashada soona bandhiga odayaasha dhaqanka iyo kuwa bulshada ee soo xulaya ergada dooraneysa Xildhibaanada.
Maalinta talaadada oo ku beegan 28-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ka bilaabato doorashada Xildhibaanada golaha shacabka gaar ahaan lagu dooro ilaa lix Xildhibaan oo kamid noqonaya golaha shacabka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -