Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhiga oo War cusub kasoo saaray Guddiga Baarista uu magacaabay

Taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya  Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa dhawaan eedeyn dad badan layaab ku noqotay Warbaahinta usoo marsiiyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, isaga oo sheegaya in Rooble dhul boob wado.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa qoraal uu soo saaray ku amaray taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa in baaris deg deg ah ku sameeyo eedeynta kasoo yeertay taliyaha Ciidanka Badda.

Qoraalka Wasiirka soo saaray ayaa dad badan u qaateen in uu amray in lasoo baaro waxa ka jira in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu wado boob loo geesanayo dhul ay leeyihiin talisaka ciidanka Badda.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa qoraal cusub uu soo saaray ku cadeeyay  in warqadii ka soo baxday Xafiiskiisa ay ujeedadeedu aheyd in baaris rasmi ah lagu sameeyo hadalkii gafka ahaa ee ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka Badda oo si ka baxsan nidaamka iyo anshaxa ugu gafay Ra’iisul Wasaaraha.

Waxa uuna sheegay Wasiirka in baarista socota kaliya ay quseyso taliyaha ciidanka badda ee u gafay Ra’isul Wasaaraha eedeymo culusna u jeediyay, waxa uuna shaaciyay in natiijada baaristan ay shacabka Soomaaliyeed la socon doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qorshe uu kulankii Golaha shacabka ka damacsanaa Gudoomiye Mursal oo la kashifay

Caydiid Ali

Wasiiro ka tirsan UK oo iscasilay iyo xaalad adag oo soo wajahday RW Boris Johnson

Caydiid Ali

Amniga Madaxweyne Putin oo sare loo qaaday ka dib Markii..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---