Wasiiro ka tirsan UK oo iscasilay iyo xaalad adag oo soo wajahday RW Boris Johnson

Ra’isal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayey xaalad adag soo wajahday ka dib markii ay iscasileen xubno ka tirsan Xukuumadiisa

Xoghayihii Maaliyadda Rishi Sunak iyo kan Caafimaadka Sajid Javid ayaa si lama filaan ah isku casilay sababo la xiriira fadeexadihii ugu dambeeyay ee lagu dhaliilay maamulka Boris Johnson.

Sunak iyo Sajid Javid ayaa warqado istiqaalad ah u diray ra’iisul wasaaraha daqiiqado gudahood.

Iscasilaada ayaa timid iyadoo Johnson uu ka cudurdaartay cambaareynta qalad Wasiirkii hore ee xanaanada xoolaha oo la sheegay inuusan ku habooneyn shaqo dowladeed ka dib markii lagu soo dacweeyay anshax xumo dhanka galmada ah, taasoo ah ceebtii ugu dambeysay ee soo wajahday xukuumada Johnson.

Sidoo kale, Iscasilaadan ayaa timid iyadoo madax kale oo sare ay muujiyeen taageerada ay u hayaan Johnson. Wasiirka arrimaha dibadda Liz Truss, ayaa sheegtay inay “100% ka danbeyso ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale, Iscasilaada ayaa timid ka dib fadeexado bilihii u dambeeyey soo wajahayey Mr. Johnson waxaa ka mid ahaa dhaleeceyn ku saabsaneyd xaflad xafiiska Downing Street lagu qabtay xili ay jirtay xanibaada isku imaatinka cudurka COVID-19.

Waxa kale oo uu la kulmay dhaleecayn ku saabsan in aanu wax badan ka qaban dhibaatada maciishada ee qaaliga ah, iyadoo dad badan oo British ah ay la daalaa dhacayaan sicir bararka cirka isku sii shareeraya ee keenay kor u kaca qiimaha shidaalka iyo cuntada, waxaanay khubarada dhaqaaluhu sheegeen in dalku uu ku socdo hoos u dhac weyn.

 

- Advertisement -