Gudoomiye Cumar Filish oo dhaliilay aragti ay soo jeediyeen Midowga Musharaxiinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ka jawaabay hadal dhowaan ka soo yeeray Midowga Musharrixiinta oo ahaa in la dhiso gole badbaado Qaran si meesha looga saaro boobka doorashada.

Cumar Filish ayaa sheegay in Siyaasiyiinta mucaaradku ay caado ka dhigteen iney ku hadaaqaan in dalka la geliyo xaalad dib u dhac ah marka ay carooddaan ama ay danahooda siyaasadeed waayaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadirayaa hadalkan ka jeediyey maanta munaasabad lagu soo xiray Shirweynaha Hiigsiga caasimada ee 2040, kaasoo muddo 3 cisho ah ka socday Muqdisho.

“Marxalad siyaasadeed oo doorashooyin ah ayaa lagu jiraa, ma ogolaan karno wax kasta oo dib noo celinaya. Siyaasiyiinta marka ay carooddan ama danahooda waayaan kuwa ku hadaaqa go’aanada dib u dhaca horseedaya lama aqbali karo” ayuu yiri Guddoomiye Filish.

Midowga Musharrixiinta ayaa ku dhawaaqay inay dhisayaan Gole badbaado Qaran iyagoo dowlad goboleedyada, ku eedeeyay inay si qaldan oo boob ah u maamuleen doorashada labada Aqal ee baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -