Allbanaadir.com
NEWS

Doorashada Afar kursi oo kamid noqonaya golaha Shacabka oo maanta dhaceysa

Waxaa maanta oo axad ah lagu wadaa in Xarunta Dugsiga tababarka ciidanka booliiska ee Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada afar kursi oo kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka.

Guddiga hirgalinta doorashada golaha Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay doorashada afartan kursi ee maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho, waxaana doorashadan oo lagu waday in ay shalay dhacdo cilado farsamo dib loogu dhigay mudo maalin ah.

Kuraastan maanta la dooranayo ayaa sumadoodu tahay HOP262, HOP229, HOP254 iyo HOP255, waxaana mid kamid ah tahay qoondada dumarka ay ku fadhiso xildhibaan hore Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah musharax Madaxweyne.

Doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadeysa xili shalay shaqada laga eryay xubno katirsan guddiga xalinta khilaafaadka doorashada kuwa cusubna la magacaabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalal hor leh oo dalkooda ka mamnuucay Duulimaadka Diyaaradaha Boeing 737 Max 8

Cabdi Cade

Doorashadii ka socotay Dhuusamareeb oo la soo gebagebeeyey & Musharax ku guuleystay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Masar oo war ka soo saartay Khilaafka Somalia iyo Itoobiya, si cadna ula safatay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---