Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masar oo war ka soo saartay Khilaafka Somalia iyo Itoobiya, si cadna ula safatay..

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa maanta warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay in loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: “Jamhuuriyadda Masar waxay ka soo horjeedaa tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliya”, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo kaliya ay xaq u leeyihiin inay ka faa’iidaystaan kheyraadkooda.

Jamhuuriyadda Masar ayaa aad uga mahad-celisay bayaannada ay soo saaraan dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba, kuwaas oo dhinac uga soo horjeestay tallaabooyinka lidka ku ah xasilloonida Geeska Afrika, siina xoojinaya xiisadda u dhexeysa dalalka gobolka.

Masar ayaa adkaysay baahida loo qabo in la ixtiraamo shuruucda u degsan Midowga Afrika, oo ay ku jiraan difaaca madax-bannaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah iyo mabaadi’da Midowga oo qeexaya in la ixtiraamo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah.

Hadalka Masar ayaa ku soo beegmay xili dowlada Itoobiya ay shaacisay iney aqoonsi rasmi ah siineyso maamulka Somaliland oo sheegayey 30kii sano ee la soo dhaafay iney ka go’een Somalia inteeda kale, iyadoo taa bedelkeedna dhul badeed laga siiyey xeebaha Somaliland.

Go’aanka Masar ayaa u muuqda mid lagu taageerayo dowlada Somalia oo ka soo horjeesatay heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya oo lidi ku ah madax banaanida iyo midnimada Somalia.

Related posts

Qunyar-socod loo doortay Madaxweynaha dalka Iran

Cabdi Cade

Maraykanka oo Codsi Cajiib ah u diray Daalibaan oo ku dhaw in ay qabsadaan Kabul

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo kala diray Golihii degaanka ee Magaalada Garowe (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---