Dalal hor leh oo dalkooda ka mamnuucay Duulimaadka Diyaaradaha Boeing 737 Max 8

Waxaa sii kordhaya wadamada hawadooda ka mamnuucaya duulimaadka Diyaaradaha ay sameyso shirkada laga leeyahay dalka Mareykanka ee Boeing gaar ahaan Diyaaradaha casriga ee Boeing 737 Max 8.

Dowladaha Australia iyo Singapore ayaa maanta oo talaado ah shaaciyay inay si kmg ah u joojiyeen gebi ahaan isticmaalka diyaaradan Boeing 737, waxaana horey diyaaradan u joojiyay isticmaalkooda dalalka Itoobiya, Shiinaha iyo Indonesia.

Wakaaladda hawada ee dalka Singapore ayaa shaaca ka qaadday iney joojisay diyaaradaha Boeing 737 MAX 8 iney hawadeeda ku duulaan, waxaana talaabadan sabab looga dhigay shaki la galiyay badqabka diyaaradan.

Shirkadaha Cayman Airways iyo Comair oo laga leeyahay qaaradda Yurub ayaa iyaguna gabi ahaanba joojiyay isticmaalka diyaaraddan Boeing 737 Max 8 , waxaa sidoo kale jira shirkado kale oo joojiyay isticmaalka diyaaradan.

Wadamo iyo shirkado kale oo adeegsada diyaaradan shakiga la galiyay badqabkeeda ayaa laga yaabaa in maalmaha soo aadan iyana soo saaraan go’aano ay ku joojinayaan isticmaalka diyaaradaha Boeing 737 Max 8.

Bur burka Diyaarada Ethopian Airlines ayaa abuuray shaki laga qabo badqabka diyaarada Boeing 737 Max 8, waana shilkii labaad mudo dhowr bilood gudahood kuyimaada diyaaradan oo lasoo saaray sanadkii 2017-dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -