Xasan Sheekh oo ka hadlay waxa iska bedelay Mowqifkooda kadib kulankii xalay

Waxaa xalay aadala Zoomka kulan ku yeeshay Golaha Wadatashiga Qaran iyo xubno matalayay golaha midowga musharaxiinta, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa walaaca ay musharaxiinta ka qabaan doorashada boobka ku bilaabatay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo katirsan Midowga musharaxiinta ayaa sheegay in kulanka looga hadlnay sida doorashada looga hor leexi lahaa caqabadaha ku hor gudban.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh in midowga musharaxiinta ka dalbadeen Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada in kulan fool ka fool ah la isugu yimaado si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
 
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in wali midowga musharaxiinta uusan waxba iska bedelin mowqifkoodi hore iyo go’aankii ay gaareen, waxa uuna cadeeyay in mowqifkooda sidaas ahaan doono ilaa uu miro dhalo dadaalada socda.
 
”Midowgu waxa uu soo jeediyay in kulan fool ka fool ah la isugu yimaado si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, kulankii xalay waxa uu ahaa tallaabo dhinaca saxda ah loo qaaday laakiin mowqifka Midowga Musharaxiinta waxba is kama baddalin ilaa billowgaas fiican uu miro dhal noqdo.” ayuu yiri Xasan Sheekh.
 
Midowga Musharaxiinta ayaa dhawaan qaadacay doorashada golaha shacabka iyagoona ku baaqay in la hakiyo, waxa ay sidoo kale ku baaqeen musharaxiinta in la isugu yimaado shirweyne qaran oo wadatashi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -