Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan deg deg ah isugu imaanaya

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isugu imaanaya kulan deg deg ah oo ay uga arinsanayaan cabashada laga soo gudbiyay habka ay ku bilowdeen doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka.

Kulan ay xalay aalada Zoomka ku yeesheen Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda dowlad goboleedyada ayey isku raaceen in ay isugu yimaadaan kulan ay uga arinsanayaan dardargelinta doorashada iyo in la saxo khaladaadka jira.

Golaha Wadatashiga Qaran oo hormuud u ah doorashada dalka ka bilaabatay ayaa si gaar ah uga arinsanaya cabashada kasoo yeertay golaha midowga musharaxiinta oo qaadacay habka doorashada ku bilaabatay kuna baaqay in la saxo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in golaha wadatashiga qaran kulankooda mar kale kasoo saaraan jadwalka iyo habraaca doorashada xildhibaanada golaha shacabka oo marar badan ay horey usoo saareen jadwal balse shaqeyn waayay.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka oo ka bilaabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Koonfur Galbeed ayaa ku bilaabatay musuq maasuq iyo boob, waxa ayna taasi walaac galisay xubno badan oo doonayay in Xildhibaano noqdaan iyo musharaxiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Xasan Macalin oo ka qeybgalay Shir aan Caadi aheyn oo ka dhacay

Cabdi Cade

Ma dhabbaa in R/wasaare Kheyre ka dalbaday xoghayaha xafiiskiisa inuu xilka ka dago.? [WARBIXIN]

admin

Mareykanka oo Shaaciyay in Hal beel lagu fiirsaday dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---