Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa goordhaw ka dhacay xaafada Jamhuuriya gaar ahaan agagaarka Masjidka Turkiga ee katirsan degmada Kaaraan, waxaana qaraxa lala beegsaday gaari la sheegay in ay la socdeen ciidamo katirsan dowlada.

Jugta qaraxa ayaana si weyn looga maqlay xaafado badan oo katirsan degmada Kaaraan, waxaana qaraxa lala beegsaday gaari ciidan ay wateen ciidamo katirsan booliiska ka howlgala saldhiga degmada Kaaraan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday taliyaha saldhiga degmada Kaaraan Gaashaanle Salad Caraale hasa ahaatee uu ka bad baaday, waxaana qaraxan waxyeelo kasoo gaaray qaar kamid ah ciidankii gaariga la socday.

Ciidamo katirsan booliiska oo soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaano ah, mana jiro faah faahin qaraxan kasoo saareen taliska ciidanka booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -