Allbanaadir.com
NEWS

Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka dowlada Somalia (Daawo Sawirro)

Xuseen Max’uud Ramadaani oo ahaa xubin ka mid ahaa Al-shabaab, ayaa isu-soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Xuseen, ayaa Shabaab waxa uu u qaabilsanaa Aruurinta lacagaha Zakawaadka loo yaqaano oo Shabaab ay ka qaadaan dadka shacabka ah, sidoo kale waxa uu madax u ahaa qeyb ka mid ah ragga amniyaadka ah ee fuliya dilalka qorsheysan.

Taliyaha howlgalinta Ciidanka Xoogga ee qeybta 43-aad G/sare Ismaciil Shiikh Isxaaq ayaa sheegay in Xuseen Maxamuud Ramadaani isa soo dhiibistiisa ay timid, iyaddoo Shabaab dhexdeeda uu ka jiro Khilaaf.

Xuseen Maxamuud Ramadaani oo ah Sarkaalka isku soo dhiibay Ciidanka ayaa sheegay in uu ka qeyb qaatay dagaalo badan, islamarkaana uu go’aansaday inuu isaga baxo Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka dhalan kara boobka iyo Sed bursiga lagu hayo hanaanka doorashada dalka?

Caydiid Ali

Faah faahino kasoo baxaya Askari gurigiisa ku dhax dilay nin toorey kusoo weeraray

Cabdi Cade

Mid kamid ah shaqaalada xawaaladda TAAJ oo lagu dilay dalka Mareykanka

Cabdi Cade