Golaha Midowga Musharaxiinta oo ku kala qeybsan Go’aankii ay dhawaan soo saareen

Xubno katirsan golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo shirar kala duwan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa dhawaan soo saaray go’aan ay ku dalbanayeen in la hakiyo doorashada Golaha Shacabka sidoo kale ku baaqeen shirweyne wadatashi ah.

Sida aan wararka ku helnay xubnaha golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku kala aragti duwan go’aanka ah in doorashada la hakiyo sidoo kale xiligan la dhiso golle loogu magac daray Badbaado Qaran.

Musharaxiinta waa weyn sida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif ayaa la sheegay in uusan la dhacsaneyn go’aanka Musharaxiinta hadana la qaatay go’aankaasi ay soo saareen.

Xoggaha aan helnay ayaa sheegaya in qorshahan shirweynaha lagu qabanayo ayaa waxaa ka dambeeya musharaxiinta qaar gaar ahaan kuwa aan heysan kalsooni ay uga qeyb galaan doorashada soo socota kuwaa oo doonaya in la fashiliyo doorashada.

Musharaxiinta qaar ayaa ku qanacsan sida ay hada doorashada ku socoto, waxa ayna aaminsan yihiin musharaxiintan in musuqa socda xubno taabacsan kusoo baxayaan sidoo kale doorashada xildhibaanada qaar iibsan karaan.

Golaha Midowga Musharaxiinta oo wada jira ayaa hadana kala jira oo mid walbo qorshe hoose wataa, waxa ayna musharaxiinta qaar iyaga oo daladda midowga ku jira hadana wataan qorshayaal kale oo aysan saaxiibadood la qabin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -