Madaxweyne Laftagareen oo kusii jeeda Kismaayo iyo Ujeedka Safarkiisa oo la ogaaday

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa saacadaha soo aadan kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka socota magaalada Kismaayo, waxaana maamulka Jubbaland diyaariyeen masuuliyiin iyo dad kala duwan oo loogu tala galay soo dhaweynta Laftagareen.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ujeedka uu u tagayo magaalada Kismaayo tahay sidii dhigiisa Axmed Madoobe ugala hadli lahaa doorashada Xildhibaanada golaha shacabka .

Laftagareen ayaana Axmed Madoobe si gaar ah ugala hadlaya sidii ay isku dhaafsan lahaayeen Xildhibaano beel ahaan labada dhinac kasoo kala jeeda oo siyaabo kala gadisan loogu dooranayo Kismaayo iyo Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa raba in Axmed Madoobe soo saaro xubno isagu wato siyaasad ahaana la jira isagoo dhankiisa u balan qaadaya in uu u soo saarayo Xildhibaano uu rabo Axmed Madoobe laguna dooran doono Baydhabo.

Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo daris ah ayaa hadana beelaha ay kasoo kala jeedaan labada Madaxweyne waxa ay siyaabo is dhaafsan u kala degan yihiin labada maamul goboleed taas oo keeneysa in ay iska warsadaan xubnaha mid kasta uu rabo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -