Dowlada Britain oo liiska Cas ka saartay 11 dal oo kuyaala Qaarada Afrika

Dowlada Britain ayaa ku dhawaaqday in liiska cas laga saaray 11-dal oo kuyaala Qaarada Afrika kuwaa oo horey loo saaray liiska cas, kadib markii dalalkaasi ku faafay fayraska cusub ee loo yaqaan Omicron.

Britian ayaa go’aansatay in Dalalka liiska cas ku jiray laga qaado xayiraadda , waxaana dalalkaasi ka mid ah Angola, Botswana, Eswatini, Lesotho, Malawi, Mozambique, Namibia, Nigeria, South Africa, Zambia iyo Zimbabwe.

Xoghayaha Caafimaadka dowlada Britain Sajid Javid ayaa sheegay in fayraska cusub ee Omicron uu haatan si guud u faafay, sidaas darteedna aysan sii jri karin sabab xayiraadaha loo sii wado.

Wadamadan dowlada Britain ka saartay liiska cas lagana qaaday xayiraada dhinaca socdaalka ah ayaa horey loogu soo rogay dabayaaqadii November si looga hortago korona fayraska cusub ee Omicron.

Cudurkan cusub ayaa wadamo badan oo caalamka ah kusii faafay, waxaana feyruskan markiisi horey lagu arkay dalka Koonfur Afrika oo wali dhibaato badan uu ku hayo cudurkan, waxa uuna kusii faafay wadamo kale oo Afrika iyo meel fog kuyaala .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -