Rooble oo mar kale ku celiyay in la qabanayo Doorasho ku dhacda Xor iyo Xalaal

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale ku celiyay in dowladiisa ka go’an tahay in dalka ka dhacdo doorasho u dhacda si xor iyo xalaal ah.

Rooble oo xalay ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweenayay oo ka dhacday magaalada Jabuuti ayaa tilmaamay in dalku galay doorasho, waxa uuna cadeeyay in ay ka shaqeenayaan sidii doorashada u noqon laheyd mid hufan oo raali laga yahay.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo uuna qaadanayo talooyinka muhiimka ah ee kasoo baxa shirka ka socda Jabuuti, waxa uuna ugu baaqay dadka shirka jooga iyo kuwa maqan in ay is cafiyaan.

“Fikirkiina waan dhageyneynaa, waxa halkaan kasoo baxa aniga oo ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wixii faaido leh waad igu og tihiin in aan ka qaato, sidoo kale waxa aan rabaa inta halkaan fadhiso ee Soomaalida ah & inta kale maqan in la is cafiyo, Dalkana uu galo Doorasho Xor & Xalaal ah dalkana horay usii socdo” ayuu yiri RW Rooble.

Hadalka Ra’isul Wasaare Rooble ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Midowga Musharaxiinta ay qaadaceen doorashada Xildhibaanada golaha shacabka kuna baaqeen in la joojiyo doorashada la isuguna yimaado shir wadatashi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -