Al Shabaab oo la wareegtay Deegaan ku dhaw Dhuusomareeb bur burina geesatay (Sawirro)

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay la wareegay deegaanka Ceeldheere oo kuyaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel , deegaankan ayaana muhiim u ah isku xirka labadaasi magaalo.

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa dhoor jiho kasoo weeraray deegaankaasi ay joogeen ciidamo katirsan dowlada iyo Galmudug, waxaana la sheegay in Al Shabaab la wareegeen deeegaanka markii ciidankii joogay ka baxeen.

Al Shabaab ayaana qaraxyo miino ku bur burisay saldhigii iyo xarunta maamulka deegaanka Ceeldheere, waxa ayna Al Shabaab mudo kooban howlgal ka wadeen deegaanka Ceeldheere.

Ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug oo weerar rogaal celis ah ku qaaday deegaanka Ceeldheere ayey ugu suurto gashay in ay dib ula wareegaan deegaankaasi kadib markii ay ka baxeen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Qabsashada deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30-km u jirta magaalada Dhuusomareeb ayaana muujinaya fashilka maamulka Galmudug heesta, waxaana deegaankaan laga ilaaliyaa magaalada Dhuusomareeb oo xarun u ah maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -