Al Shabaab oo gubtay Saldhigii booliiska Matabaan kadibna isaga baxday Degmadaasi

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al Shabaab ee saacado kahor la wareegay gacan ku heynta degmadaasi si nabad galyo ah uga baxeen.

Al Shabaab ayaana si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta degmada Matabaan kadib markii halkaasi isaga baxeen ciidankii booliiska ee ku sugnaa iyo maleeshiyaad hubeesan oo deegaanka u dhashay.

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa intii ay joogeen Matabaan waxa ay howlgalo ka sameeyeen qeybo kamid ah degmadaasi waxa ayna galeen xarunta maamulka degmada iyo saldhiga booliiska.

Al Shabaab ayaana markii dambe dab qabad siiyay saldhiga booliiska Matabaan, waxaana la sheegay in Al Shabaab gabi ahaan ka baxeen degmada Matabanaan ayna fariisimo ka sameesteen deegaano kuyaala duleedka degmadaasi.

Matabaan oo maamul ahaan hoostagta Hirshabelle ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa mamaulu jiray Ahlu Sunna kahor inta aan la wiiqin awooda Ahlu Sunna, waxaana markii dambe degmada ku sugnaa ciidamo booliis ah iyo maleeshiyaad hubeesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -