Cali Guudlaawe oo ku laabtay Jowhar si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein iyo masuuliyiin la socotay ayaa maanta dib ugu  laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka  Hirshabeelle.
 
Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku wehliyeen Wasiiro xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhoweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle iyo saraakiil ciidan.
Cali Guudlaawe ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa xaruna u aheyd magaalada Muqdisho, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay inta uu Muqdisho joogay madaxda dowlada, Siyaasiyiin mucaarad ah iyo wakiilo katirsan Beesha Caalamka.
Maamulka Hirshabelle ayaana wali bilaabin  doorashada Xildhibaanada golaha shacabka oo ka bilaabatay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada, lamana oga xiliga Hirshabelle bilaabi doonto doorashada golaha shacabka ee muranku hareeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -