Al Shabaab oo Dagaal la’aan kula wareegtay Degmada Matabaan

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa goordhaw la wareegay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ,kadib markii halkaasi isaga baxeen ciidamo katirsan booliiska iyo maleeshgiyaad hubeesan oo degmadaasi ku sugnaa.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Al Shabaab la wareegeen degmada gaar ahana xarunta degmada iyo saldhiga booliiska, waxa ayna halkaasi Al Shabaab ka wadaan howlgalo gaar ah.

Al Shabaab ayaa shalay la wareegay deegaano duleedka ka ah degmada Matabaan, waxa ayna maanta si buuxda dagaalyahanada kooxdaasi ula wareegeen degmadaasi oo maamulkeeda la isku dhiib dhiibo.

Degmada Matabanaan waxaa horey u maamuli jiray kooxda Ahlu Sunna ee ka talin jirtay gobolka Galgaduud, waxaana degmadaasi markii Ahlu Sunna laga saaray maamuli jiray ciidamo katirsan dowlada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -