Musharaxiinta oo dhaliilay guddigii uu Rooble u Magacaabay dhalinyarada ku maqan Eritrea

Qoraal ay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa lagu soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday ra’iisal wasaare Rooble oo uu guddi heer qaran ah ugu magacaabay sidii ay baaritaan ugu sameyn lahaayeen cabashada Waalidiinta dhalintooda tababarka loogu qaaday Eritrea.

Hase ahaatee Golaha ayaa dhaliilay xubnaha ku jira guddiga oo ay sheegeen ineysan ka turjumeyn guddi xaqiiqo raadin sax ah, maadama ay qeyb ka yihiin guddigaas wasiiro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda ku eedeysan arrinta la baarayo.

Midowga Musharaxiinta ayaa ka dalbaday ra’iisal wasaaraha in si umadda Soomaaliyeed ay ugu kalsoonadaan guddigaan uu sida ugu dhaqsaha badan dib usoo magacaabo xubno dhex-dhexaad ah, asaga oo ka saaraya mas’uuliyiinta dowladda ee qeybta ka ah sidan ku xusan qoraalka ay soo saareen oo sidatan u qornaa:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -