Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada Dowlada oo Howlgal ka fuliyay Deegaano Al Shabaab joogeen (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa howlgalo gaar ah ka fuliyay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo la sheegay in ay joogeen xubno katirsan dagaalyahanada Al Shabaab.

Wakaalada wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ayaa baahisay in ciidanka milatariga howlgal qorsheesan ka fuliyeen deegaanada Gambaarey, Dawacaale iyo Geediyaan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiishan ciidankan hogaamineysay ayaa sheegay in xubnaha Al Shabaab ay ka carareen deeegaanada ay gaareen, waxa ayna saraakiisha la kulmeen qaar kamid ah bulshada deegaanada ay gaareen.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa howlgalo mararka qaar ka fuliya deegaano iyo tuulooyin katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay joogaan Al Shabaab, ciidamada ayaana dib uga baxa goobahaasi marka ay saacado joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamo uu Axmed Madoobe ka diray Dhoobley oo gaaray Balad Xaawo 

Cabdi Cade

Trump oo soo saaray amar saameynaya ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia

Caydiid Ali

Ilhaan Cumar oo ka aarsatay Kevin McCarthy iyo xisbigii ka saaray guddi awood badan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---