Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii ka socday Camaara iyo dayuurad duqeyn geysatay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaalka saaka ka dhacay magaalada Camaara ee gobolka Mudug. kaasoo u dhaxeeyey ciidamada Dowlada & Galmudug iyo xoogaga Al-Shabaab.

Weerarka oo ay Al-shabaab soo qaadeen saaka aroortii ayaa soo gabagaboobay barqadii maanta, waxaana la xaqiijiyey in Alshabaab ay dagaalka ku qabsadeen ilaa 10 gaari oo uu ku jiro gaari xamuul ah.

Wali waxaan war sugan laga heyn khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalka oo la sheegay inuu badan yahay marka la eego labada dhinac.

Warar kale ayaa sheegay duleedka Camaara lagu duqeeyey gaadidkii ay Al-shabaab ka qaateen ciidamada Dowladda, ka dib markii ay weerartay dayuurad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka.

Waxay wararku sheegayaan in afar gantaal lala beegsadayn gawaaridaas oo ka sii baxayey Camaara.

Dhanka kale gaari Cabdi bile ah oo lahaayeen ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa miino kula qaraxday inta u dhaxeysa Bacaadweyne iyo Camaara, waxaana ku geeriyooday labo askari halka 8 kale ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa sheeganaya iney qabsadeen degaanka Cammaara balse wararka ayaa sheegaya in xaaladu tahay mid mid jahwareersan rasaas goos goos ahna la maqlayo, maa jiro illaa hadda wax war ah oo Galmudug ay ka soo saartay dagaalkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Samow iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo Xabsiga la dhigay

Cabdi Cade

Waa Maxay faa’iidada ugu jirta dowlada Somalia qorshaha ay maanta ansixisay EU? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dab dhulka la simay Magaalo dhan & Meydadka 100 qof oo laga helay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---