Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo Tababar loogu qaaday dalka Dibadiisa (Sawirro)

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan Ururka 10aad  guutada 18aad ee Gorgor ayaa maanta laga sagootiyay magaalada Muqdisho, iyadoona tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ciidamadan katirsan Gor Gor kasii sagootiyay saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya oo lasii dar daarmay ciidamadan tababarka loo qaaday.

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Maxamed Tahliil Biixi, ayaa ciidamada tababarka loo qaaday kula dar daarmay in ay noqdaan kuwa dhega nugul oo sidii loogu tala galay usoo qaata tababarka.

Waxaa uu kula dardaarmay inay noqdaan kuwo ka fog isticmaalka Balwada, isaga oo u rajeeyay in Alle uu si Nabad ah ku geeyo Sinabad ahna kusoo celiyo, sidoo kalena looga baahan yahay inay noqdaan kuwo dalkooda & dadkooda wax kusoo kordhiya.

Dowlada Turkiga ayaa gudaha Soomaaliuya gaar ahaan xerada Turkisom ee kutaala Muqdisho tababaro ku siisa ciidamada Gor Gor iyo Haramcad, waxa ay sidoo kale Trukiga dalkeeda tababaro kusoo siinaa ciidamo kale oo katirsan Gor Gor iyo Haramcad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -