Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada weeraro lagu dilay Saraakiil Kenyan ah

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo qaraxyo miino la beegsaday kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamo katirsan booliiska Kenya oo marayay deegaano dhaca duleedka Magaalada Mandheera.

Al Shabaab ayaana weerar ku qaaday gaadiid ay la socdeen booliiska oo marayay wadada xiriirisa deegaanka Raamo iyo magaalada Mandheera, waxaana weerarkan ku dhintay sargaal katirsan booliiska Kenya halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Kenya iyo dagaalyahanada Al Shabaab ayaana waxaa dhax maray dagaal culus oo daqiiqado qaatay, waxaana goobtaasi isaga tagay ciidamada Kenya ee weerarka kadiska ah la kulmay.

Weerar kale oo ka dhacay deegaanka Fiino oo hoostaga magaalada Mandheera ayaa lagu dilay sargaal kale oo katirsan booliiska Kenya,  dowlada ayaana ciidamo badan oo gurmad ah u dirtay deegaanada ay weerarda aka dhaceen.

Al Shabaab ayaa war kasoo baxay waxa ay ku sheegteen masuuliyada saraakiishan Kenyanka ah ee lagu dilay weerarada ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ay sii xoojin doonaan beegsiga Ciidamada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -