Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Rwanda oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dowladood

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo booqasho rasmi ah ku tegey caasimadda Kigali ee dalka Rwanda ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda e dalkaas Mudane Vincent Biruta, iyaga oo ka wada hadlay xoojin xiriirka taariikhiga ah ee Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibbada ah, waxaana ay isla garteen dardargelinta iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda oo ay ku jirto dib-u-soo-celinta safaaradaha.

Wasiirrada ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii ay Soomaaliya iyo Rwanda iskaashi miro-dhal ah uga yeelan lahaayeen dhammaan arrimaha quseeya danaha labada qaran ee amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyaga oo isla soo dhoweeyey fursadaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga ee Labada Dalka.

Ugu dambeyn, iyada oo laga dib loo eegayo xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, waxa ay Wasiirradu isku raaceen in si wadajir ah looga wada-shaqeeyo iskaashiga fagaareyaasha caalamiga ah iyo adkaynta xiriirka wadar geesoodka ah.

- Advertisement -